Ciidamada Yahuuda ee maamulka Israa’iil ayaa toogasho ku dilay wariye katirsaneyd Telefishinka Caalamiga ah ee Al Jazeera, xilli ay tabineysay iska hor imaad ka socday Daanta Galbeed oo u dhaxeeyay xoogag Falastiiniyiin ah iyo ciidamada Israa’iil.
Shireen Abu Akleh, oo aheyd saxafiyad caan ka aheyn bariga Dhaxe gaar ahaan dhulka Falastiin ayaa madaxa laga toogtay xilli ay war tabineysay, waxaana la sheegay saxafiyada in ay dileen ciidamada Israa’iil.
War kasoo baxay Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa lagu xaqiijisay geerida Wariye Shireen Abu Akleh, waxayna sidoo kale wasaaradda sheegtay in weriye labaad oo lagu magacaabo Ali Samodi isna la dhaawacay rasaasta ay fureen ciidamada Israa’iil.
Militariga Israa’iil qoraal kasoo baxay ayaa lagu sheegay in ciidamadooda ay rasaas ku fureen koox ku sugan Jenin oo rasaas kusoo riday , waxa ayna xuseen in ay ay suurta gal tahay, in suxufiyaddan ay ku dhimatay rasaas ay soo fureen xoogaga falastiin ayna wadaan baaritaan.
Wariyaha la dilay oo caan aheyn ayaa sannado badan kasoo tirsaneyd warbaahinta Al Jazeera, waxaana wariye Shireen Abu Akleh muddo 15 sano ah warra kasoo direysay dhulka Falastiin gaar ahaan dhulka Yahuuda xoogga ku heesato .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com