Allbanaadir.com
NEWS

Hadal Jeydinta Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha oo bilaabatay (Sawirro)

Waxaa goordhaw teendhada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho ka bilaabatay hadal jeydinta musharaxiinta u taagan xilka Madaxwreynaha Soomaaliya, kuwaa oo jeedinaya barnaamijkooda siyaasadeed ee qaban doonaan haddii loo doorto Madaxweyne.

Kulanka wadajirka ah ee Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ku dhageesanayaan hadal jeedinta musharaxiinta waxaa shir guddoominaya guddoonka labada Aqal ee Baarlamanaka federaalka.

Qaar kamid ah musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya oo xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka u jeediyay barnamaijkooda siyaasadeed ayaa ka codsaday in codkooda siiyaan si ay uga dhabeeyaan ballanqaadka ay sameeyeen.

Xildhibaanada labada Aqal ayaana maanta kaliya dhageesan doona hadal jeydiinta musharaxiin gaara 20-musharax, kuwaa oo soo bandhigaya barnamaijkooda siyaasadeed ee dalka ku hoggaaminayaan 4-ta sanno ee soo socota.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ku dhowaad 180 qof oo ku dhintay Shil dayuuradeed (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Qoor Qoor iyo Wafdi la socda oo Hobyo u tagay arrin muhiim ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Hoobiyaal saakay lagu garaacay xaafado katirsan Muqdisho iyo Khasaaro Dhimasho oo ka dhashay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---