Allbanaadir.com
NEWS

Ogow tirada Lacagta kasoo xarootay Diiwaangelinta Musharaxiinta Madaxweynaha !

Guddiga isku dhafka ah ee doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa diiwaangeliyay 39-musharax oo buuxiyay shuruudihii laga rabay ,kuwaa oo 15-ka bishan ku tartami doona kursiga ugu sareeya Soomaaliya ee Madaxweynaha.

Musharaxiinta ayaa shuruudaha diiwaangelintooda waxaa ka horeeyay in mid kastaahi bixiyo lacag gaareysa 40-kun oo dollar , waxaana muuqata dhammaan musharaxiinta la diiwaangeliyay in lacagtaasi tirada badan bixiyeen.

Akoonka guddiga qaban qaabinaya doorashada Madaxweynaha Soomaaliya waxaa ku dhacday lacag gaareysa 1560,000 (Hal Milyan Shan Boqol iyo Lixdan Dollar, lacagtan ayaana kasoo xarootay diiwaangelinta musharaxiinta.

Lacagtan tirada badan ee kasoo xarootay diiwaangelinta musharaxiinta Madaxweynaha iyo tii horey uga soo xarootay doorashadii guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka ayaan la cadeyn waxa lagu qabanayo , waana lacag ka badan socodsiinta doorashada.

Lacagta tirada badan ee lagu xiray musharaxiinta Madaxweynaha u tartameysa ayaa looga gon lahaa in lagu dhimo tirada musharaxiinta, hasa ahaatee waxaa sannadkan is sharaxay tiradii ugu badneed oo gaareysa 39-musharax.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaano loo diiday in ay u safraan gobolka Gedo iyo NSA oo sabab u noqotay

Cabdi Cade

(Sawirro) Abiy Ahmed oo booqashadii u horeysay ku tagay..

Caydiid Ali

Villa Somalia: “Shaqada Qaranka u hakan mayso laba Xildhibaan oo firimbi ku hubeysan”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---