Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Milatariga oo laga saaray Xerada Afisiyooni kaddib Ammar soo baxay

Guddoonka gollaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ammar ku bixiyay in ciidanka milatariga ee degan xerada Afisiyooni halkaasi si KMG ah looga raro inta doorashada socoto.

Sida aan wararka ku helnay taliska ciidanka milatariga ayaa durba bilaabay in ciidanka ku sugnaa xerada Afisiyooni halkaasi ka raraan xalay si ciidankan looga fogeeyo teendhada ay ka dhaceyso doorashada Madaxweynaha.

Guddoonka gollaha shacabka iyo guddiga doorashada ayaana isku raacay in ciidanka ku sugan xerada Afisiyooni laga maarmaan tahay in halkaasi laga saaro , waxa ayna xuseen in ciidankaasi laga rabo in ay tagaan meel ka baxsan xerada halkaasna ammaanka ka sugaan.

Ammaanka teendhada Afisiyooni ee doorashada ka dhaceyso ayaa lagu wareejiyay ciidamada Nabad Ilaalinta ee ATMIS , waxaana ciidankaasi la shaqeenaya 20-askari oo booliis ah oo hubeesneen oo gudaha teendhada ka dhax shaqeenaya.

Ciidamada booliiska iyo nabad sugida Soomaaliya ayaa iyana la faray in ay xoojiyaan ammaanka magaalada Muqdisho gaar ahaan waddooyinka ay soo marayaan musharaxiinta iyo goobaha laga galo xerada Afisiyooni.

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka ayaa maanta kulan ay ku dhageesanayaan khudbadaha musharaxiinta sharaxan waxa ay ku yeelanayaan teenadhada afisiyooni, ammaanka teenadhada iyo waddooyinka soo gala ayaa si weyn loo adkeeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gudoomiye Aadan Madoobe oo gaaray Magaalada Washington (Sawirro)

Caydiid Ali

Kolonyo uu la socday Wasiir Goodax oo lagu qarxiyey meel ku dhow B/Xaawo (Sawirro)

Caydiid Ali

Tartanka Ciyaaraha dowlad goboleedyada oo galabta lagu soo gebagebeynayo Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---