Waxaa maanta oo arbaco ah teendhada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho kulan wadajir ah ku yeelanaya Xildhibaanaa labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, kuwaa oo dhageesan doona hadal jeydinta musharaxciinta u taagan xilka Madaxweynaha.
Guddiga qaban qaabada doorashada ayaana labo qeyb ka dhigay hadal jeedinta musharaxiinta, waxaana maanta iyo beri musharaxiinta kala jeedin doonaan khudbadahooda ay kusoo bandhigayaan wax qabadkooda hadii la doorto.
Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya waxaa u taagan ilaa 39-musharax, waxaana maanta hadal jeydinta ku qoran ilaa 20-Musharax, musharaxiintan maanta hadal jeedinaya ayaa waxaa ku jira kuwa saameyn badan oo qaarkood xilka loo saadaalinayo
Halkan ka Akhriso Magacyada Musharaxiinta hadal jeyudinta maanta ku qotan