Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiyaha gollaha shacabka oo Magacaabay Lataliyihiisa Amniga iyo Siyaasadda

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay lataliyihiisa arrimaha siyaasadda iyo amniga.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa u magacaabay Maxamed Xasan Idiris in uu noqdo lataliyihiisa dhinaca siyaasadda iyo amniga, waxa uuna guddoomiyaha ka codsaday xoghayaha guud ee gollaha shacabka in uu dhameestiro habraaca maamuuska lataliyaha cusub.

Siyaasigan loo magacaabay lataliyaha cusub ee guddoomiyaha gollaha shacabka ayaa horey usoo noqday Xildhibaan katirsanaa Baarlamaankii 10-aad , waxa uuna kamid ahaa xubnihii uu Laftagreen usoo diiday kuraastii ay horey ugu fadhiyeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Saraakiil ka tirsan ciidanka Gor-gor oo tababar loogu soo xiray Saldhiga Turkiga

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha aqoonsiga ka gudoomay danjire Erik Lundberg (Sawirro)

Caydiid Ali

Muxuu Axmed Madoobe ka yiri ansixinta heshiiskii laga gaaray doorashada?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---