Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Rooble iyo Gudoomiye ku-xigeenka Golaha shacabka oo ka wada hadlay..(Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka BFS Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar.

Rooble iyo Sacdiya ayaa ka wada hadlay u diyaar garowga doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda oo maalmo kooban ka harsan yihiin iyo nidaamka doorashada uu u noqon lahaa mid hufan.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka BFS Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa noqotay haweeneydii ugu horeysay ee xilkan ka qabata baarlmanka Somalia.

Doorashada Madaxweynaha Somalia ayaa la filayaa in lagu qabto magaalada Muqdisho 15ka bishan oo maalmo kooban ay inaga xigaan waxaana u taagan illaa 39 Musharax.

Related posts

Isbuucii rajada Doorashada 2020 iyo Cabsida Xisbiyada Xamar Qaarkood !!

Cabdi Cade

20 dagaalyahan oo lagu dilay howlgal qorsheysan oo ka dhacay degaanka Cali Fuuto

Caydiid Ali

Rabshado ka bilowday magaalada Diri-dhabe iyo Ciidamo badan oo magaalada soo galay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---