Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shiikh Aadan Madoobe oo kormeeray goobta lagu dooranayo Madaxweynaha (Sawirro)

Guddoomiyaha golaha shacabka oo kormeer ku tahay xarunta lagu qabanayo hadal jeedinta musharaxiinta iyo doorashada Madaxweynaha.

Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kormeer indha-indheyn ah  ku tagay teendhada Afasiyooni  oo ay ka socoto qaban qaabada doorashada madaxweynaha.

Guddoomiyaha ayaa gudaha teendhada Afasiyooni kulan kula qaatay saraakiisha ciidanka nabad ilaalinta ATMIS iyo kuwa amniga ee Soomaaliya.

Saraakiisha ayaa la faray in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah si ay u qabsoonto doorashada madaxweynaha.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha  ayaa mid mid u dul istaagay goobaha loogu tala galay in ciidamada ammaanka ay ku shaqeeyaan. Guddoomiyaha wuxuu amray in dadka aan lagu xadgudbin lana faray in waajibaadkooda ay u gutaan si hagar la’aan ah.

https://m.youtube.com/watch?v=bC8cl5jkCFg

Related posts

Dowlada Soomaaliya oo soo saartay amar la xiriira Maalmaha Ciidul adxaa (Akhriso)

Caydiid Ali

(Faahfaahin) Dagaal culus oo ka dhacay Masaajid Cali Guduud iyo Sarkaal lagu dilay

Caydiid Ali

Qorshayaal halis ah oo ay dejiyeen Mareykanka iyo Isreal oo xogtooda la helay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---