Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo caawa kulan deg deg la yeeshay saraakiisha sare ee ciidanka howlgalka nabad ilaalinta ATMIS.
Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Africa marwo Fiona Lortan, Taliyaha Guud ee Ciidanka ATMIS ee Soomaaliya Lt. Gen Ndegeya Diomede, iyo Brig. Gen. Keith Katungi oo ah Taliyaha Guud ee qaybta Sector One ee ciidanka ATMIS ayaa horkacayey saraakiisha uu la kulmay Shiikh Aadan Madoobe.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaqiijinta amniga dooraashada iyo sidii ciidamada ATMIS uga qaadan lahaayeen kaalinta kaga aadan
Guddoomiyaha Golasha Shacabka ayaa ku booriyay ciidamada ATMIS inay gutaan waajibaadkooda shaqo mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta Amniga doorashada.