Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muxuu Cali Guudlaawe kala hadlay Xildhibanada labada aqal ku metela Hirshabelle? (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kulan qado sharaf ah u sameeyay Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaamka JFS ee deegaan doorashadoodu tahay Hirshabeelle.

Kulankan waxaa kasoo galay Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar, Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Xildhibaanada Labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Waxaa kulankan la iskaga la iska xog wareystay xaalada guud ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka oo maraya heer gabogabo ah.

Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada labada aqal kula dardaarmay inay wadajir noqdaan oo ay ka shaqeeyaan danaha iyo horumarka degaanada Hirshabeelle iyo mida guud qaranka.

Related posts

Somaliland oo ka carootay haddalo kasoo yeeray dowladda Soomaaliya

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo booqday Ciidamo difaac kaga jira duleedka Kismaayo (Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiirka Maaliyada Itoobiya oo dhambaal soo gaarsiiyey Madaxweyne Farmaajo (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---