Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Soddon Musharax oo illaa hadda isku diiwaan geliyey doorashada Madaxweynaha (Magacyada)

30 musharax ayaa illaa hadda isku diiwaangeliyey doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, ayaga oo shahaadada musharaxnimo ka qataya guddiga doorashada ee baarlamanka.

Diiwaangelinta Musharaxiinta ayaa shalay ka billaabatay magaalada Muqdisho, waxaana musharaxii ugu horreeyey ee is-diiwaan-geliyey uu noqday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Diiwaan-gelinta musharaxiinta ayaa sii socotay maanta waxaana sidoo kale is-diiwaangeliyey madaxweynaha hadda xilka haya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay ku dhowaaqay inuu mar kale u tartamayo kursiga iyo 20 musharax oo kale.

HOOS KA AKHRISO MUSHARAXIINTA ILLAA HADDA QAATAY SHAHAADADA MUSHARAXNIMO

1.Shariif  Sheekh Axmed.
2.Daahir Gelle.
3.Cabdikadir Cosoble Cali.
4.Bashiir Xaaji Cali.
5.Cabdullaahi Cali Xasan.
6.Xasan Cali Kheyre.
7.Cabdinuur Sheekh Maxamed.
8.Cabdikariim Xuseen Guuleed.
9.Cabdirahmaan Cabdishukur Warsame.
10.Cabdiraxmaan Maxamed Ablaal.
11.Dr.Siciid Ciise Maxamuud.
12.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi.
13.Axmed Ducaale Xaaf.
14.Mahad Axmed Diiriye.
15.Muqtaar Maxamed Sayid.
16.Fowsiyo Xaaji Yuusuf.
17.numcaan Sheekh Cumar.
18.Cumar Cabdiqadir Axmed.
19.Xasan Sheekh Maxamuud.
20.Maxamuud Daahir Aweys.
21.Cabdiqadir Xuseen Maxamed.
22.Cabdiqaadir Sheekh Cali (Baqdaadi).
23.Cabdi Aadan Hoosoow.
24.Cabdi Maxamed Kuusoow.
25.Jamaal Axmed Ibraahim.
26.Cabdullaahi Cali Axmed(Cadow Cali Geesey).
27.Xuseen Cabdi Nuurow.
28.Cabdullaahi Cali Axmed.
29.Jibriil Ibraahim Cabdulle.
30.Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Diiwaan-gelinta musharaxiinta ayaa ku eg berri, ayada oo doorashada madaxweynaha la qorsheeyey inay Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho ka dhacdo Axadda 15-ka May 2022.

 

Related posts

Xiliga la furayo Saldhiga Imaaraadka Carabta ka dhisanayo Berbera oo la shaaciyey

admin

Itoobiya oo markii ugu horeysay taariikhda Madaxweyne u dooratay Haweeney

Caydiid Ali

Baarlamaanka Soomaaliya oo Codka Kalsoonida siiyay Golaha Wasiirada Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---