Guddiga isku dhafka ah ee diyaarinta doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalintii labaad wada diiwaangelinta musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
Musharaxiin badan oo u taagan qabashada xilka Madaxweynaha ayaa maanta qaatay shahaadada musharaxnimo, kaddib markii ay buuxiyeen shuruudaha ay guddiga doorashada ku xireen musharaxiinta .
Xubnaha maanta guddiga doorashada diiwaangeliyeen ayaa u badan siyaasiyiin ku cusub saaxada siyaasadda Soomaaliya, waxaa sidoo kale ku jira siyaasiyiin rug cadaayaal ah uu kamid yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Guddiga doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ilaa hada diiwaangeliyay ilaa 20-musharax oo buuxiyay shuruudihii looga baahnaa, waxaana wali harsan oo la filayaa in la diiwangeliyo musharaxiin kale uu ku jiro Madaxweyne Farmaajo.
Halkan ka akhriso Musharaxiinta maanta is diiwaangelisay
1-Xasan Sheekh Maxamuud
2-Dr.Saciid Ciise Maxamuud
3-Axmed Ducaale Geelle Xaaf
4-Mahad Axmed Diiriye
5-Muqtaar Maxamed Sayid
6-Fowsiya Xaaji Yuusuf Adam
7-Muqtaar Maxamed Sayid
8-Nucmaan Shiekh Cuma
9-Cumar Cabdulqaadir Axmed Fiqi
10-Ridwaan Xirsi Maxamed
11-Cabdiraxmaan Maxamed Cabd