Allbanaadir.com
NEWS

Xukun Dil ah oo maanta lagu riday sargaalkii dilka u geestay Najma Cabdillaahi Maykal

Maxkamadda Ciidamada maamulka Somaliland ayaa maanta xukun dil ah ku riday sargaal katirsanaa ciidamada maamulkaasi oo dhawwaan magaalada Hargeysa dil bareer ah ugu geestay gabar dhallinyaro ah oo u shaqeeneysay wasaaradda beeraha Somaliland.

Gaashaanle Dhexe, Saalax Bullaale Jaamac, ayaa maxkamada ciidamada ku heshay in dil barerr ah 3-dii Bishaan xilli Habeen Magaalada hargeysa ugu geestay Najma Cabdillaahi Maykal oo ay diris ahaayeen.

Ciidamada booliiska ayaa gacanta ku dhigay sargaalkan dilka geestay xilli uu isku dayay in uu baxsado, waxaana dilkan la sheegay in uu salka ku hayay khilaaf u dhaxeeyay reer sargaalka iyo tan gabdha uu dilay.

Waalidka iyo ehelka Najma Cabdillaahi Maykal ayaa ka codsaday maamulka Somaliland in cadaalada loo marsiiyo , waxa ayna cadeeyeen in aysan aqbali doonin wax ana ka aheyn in loo dilo sargaalka dilka u geestay gabadhooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Kheyre oo dalab muhiim ah hor dhigay Wakiilada Beesha Caalamka

Cabdi Cade

Madaxweyne kuxigeen Aabihiis Madaxweyne yahay oo Habeenkii Hotel ku jiifta 50-Kun Dollar

Cabdi Cade

Madaxweyne Laftagareen oo kulan xasaasi ah la qaatay Golihiisa Wasiirrada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---