Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Sheekh Aadan Madoobe oo Madaxweynaha Hirshabelle kala hadlay arrimo muhiim ah (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa caawa hooygiisa kulan kula qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle mudane Cali Guudlaawe Xuseen.
 
Kulanka madaxweyne Guudlaawe iyo Guddoomiye Madoobe ayaa waxaa looga hadlay arrimaha doorashada madaxweynaha oo diiwan-gelinteeda maanta bilaabatay, waxayna labada masuul hoosta ka xariiqeen in la laba jibbaaro dadaalada ku aaddan dhameystirka doorashada.
 
Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa boggaadiyay sida uu shaqada u wado guddoomiyaha cusub ee gollaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe gaar ahaan dhameestirka doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.
 
Guddoomiyaha gollaha shacabka ayaa wada kulamo kala duwan uu la qaadanayo madaxda dowlad goboleedyada, wakiillada beesha caalamka iyo qaar kamid ah musharaxiinta, kuwaa uu kala hadlay doorashada Madaxweynaha oo axada soo socota dhaceysa.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Huwanta oo Kaabiga ku haya Deegaan Dalxiiseed Al Shabaab joogeen (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Biixi oo Daah-furay Shirweynaha Madasha Dhaqaalaha Somaliland (Sawirro)

Cabdi Cade

Kooxdii dishay Madaxweyne Jovenel Moise oo qaarkood la dilay kuwa kalana la qabtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---