Saraakiil katirsan Ciidamada milatariga Soomaaliya ee ku sugan degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa soo bandhigay dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo la sheegay in kooxdaasi kasoo goosteen iskuna dhiibeen ciidanka dowladda.
Labo Dagaalyahan oo kasoo goostay Al Shabaab magacyadoodana lagu kala sheegay Ibraahim Xasan Cabdi Yaasir iyo Siidoow Xasan Cali Shaafici, ayaa lagu soo bandhigay degmada Baardheere, ragan ayaana Al Shabaab katirsanaa muddo sannado ah.
Ragan kasoo goostay Al Shabaab oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay u adkeesan waayeen dhibaatooyin kooxdaasi kala kulmeen, waxa ayna xuseen in ay ka xumaadeen dadka sida qaldan loo dilayo iyo dhibataooyin kale.
Saraakiisha ciidanka milatariga ee soo bandhigay ragan kasoo tagay Al Shabaab ayaa sheegay in ay soo dhaweenayaan qof kasta oo isaga soo taga Al Shabaab, waxa ayna ugu baaqeen raga kale ee u dagaalama Al Shabaab in ay isaga soo baxaan.
Ciidanka dowladda ayaa marar badan warbaahinta usoo bandhigeen xubno ay sheegeen in ay katirsanaayeen Al Shabaab balse kasoo goostay, Al Shabaab ayaana inta badan ka hadlin xubnahaasi la sheego in ay dhankooda kasoo goosteen.