Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shiikh Aadan Madoobe oo la kulmay Raisul Wasaarihii hore ee Somalia (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka  BJFS  mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliso Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad marwo Sacdiyo Yasiin Xaaji Samatar ayaa caawa kulan salaan iyo hambalyeyn ah la qaatay Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke.

Guddoomiye Madoobe ayaa Ra’iisul wasaarihii hore Cumar Sharmarke u sheegay in doorashada ay ku dhici doonto waqtigeeda taasoo noqon doonto mid lagu wada qanacsan yahay.

Cumar C/rashiid ayaa ku amaanay Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Guddiga labada aqal u xilsaareen doorashada Madaxweynaha dedaalka ay ugu jiraan sidii doorashadu u noqon laheyd mid hufan.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka  ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay sarakiil sare oo ka tirsan ciidamada  dalka. Saraakiisha ayaa marka hore salaan iyo hambalyo la wadaagay Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa saraakiisha ciidamada ka dhageystay talooyinka ay soo jeediyeen taas oo looga gol leeyahay in laga hortago khataraha amniga ah ka ee ay maleegayaan kooxaha argagaxisadda sida ay warka u dhigeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ruushka oo ballanqaad muhiim ah u sameeyay dowladda Soomaaliya

Cabdi Cade

Golaha Wasiirrada Somaliland oo shirkoodii ugu dambeeyay oo xasaasi ahaa yeeshay

Cabdi Cade

Shirka Cilmi baarista Injineeriyadda, seyniska iyo tiknolojiyadda oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---