Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dayax Madoobaad laga arki doono qeybo ka mid ah dunida (Somalia ma ku jirtaa)

Sida ay sheegtay heyadda hawada sare u qaabilsan Maraykanka ee NASA, Fiidnimada Axadda, May 15 iyo ilaa saacadaha hore ee Isniinta, May 16, 2022 dayax-madoobaad loo yaqaan “Dayaxa Dhiiga” – ayaa laga arki doonaa Waqooyiga iyo Koonfurta Ameerika, iyo qaybo ka mid ah Yurub iyo Afrika.

Inta ay dhacdadani socoto Dayax ayaa gali doona bartamaha harka dhulka ilaa 84 daqiiqo ama wax ku dhow saacad iyo bar  , isagoo u rogi doona dayaxa midab casaan ah.

Dayax Madoobaadkan ayaan laga arki doonin dalalka qaarada Aasiya, iyo weliba bariga iyo bartamaha Afrika maadaama xiliga uu dhacayo ay iyaga u tahay Maalin,  hase ahaatee dalalka dhaca galbeedka Afrika ayaa dayax maadoobaadkan arki kara daqiiqado kooban ka hor xiliga waaberiga sida ay sheegtay heyadda hawada sare u qaabilsan Maraykanka ee NASA.

Dayax-madoobaad ayaa dhaca marka dhulka uu kala dhexgalo dayaxa iyo qoraxda maadaama harla dhulka uu qarinayo iftiinkii qoraxda ee gaari lahaa dayaxa taasoo sababeysa waxaa loo yaqaano dayax Madoobaad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Diyaarad kusoo dhacday buurta Mount Jumbo iyo Khasaaro ka dhashay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Wadahadalka xabad joojinta Gaza oo mar kale furmaya & Xamaas oo qorshe cusub keentay

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo War ka soo saartay dagaalkii ay saaka la galeen Liyu Boolis

Caydiid Ali
Taboola Ads ---