Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiyaha golaha shacabka oo arrimo muhiim ah kala hadlay James Swan (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa Muqdisho kulan kula qaatay Wakiilka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr. James Swan.

Kulanka ayaa looga wada hadley dhamaystirka doorashada inta ka dhiman iyo sidii ay jawi xasilloon ugu soo geba gaboobi lahayd.

Wakiilka Xog-hayaya Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay diyaar u la tahay inay Guddoomiyaha ka gacan siiyaan sidii howshaasi si guul ah ugu soo dhamaan lahayd.

Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa wada kulamo kala duwan uu la qaadanayo Wakiillada beesha caalamka iyo masuuliyiin kala duwan, waxa uuna inta badan kala hadlayay dhameestirka doorashada.

Related posts

Wasiir ka tirsan Xukuumada Somalia oo loo heysto Musuq & fadeexad soo shaac baxday

Caydiid Ali

Dhoobo-daareed: “Deni wuxuu diiday xuquuqdii yareyd ee dastuurku siiyay Ku-xigeenkiisa”

Caydiid Ali

Abiy Axmed oo Dhambaal usoo diray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya .

Cabdi Cade
Taboola Ads ---