Allbanaadir.com
NEWS

Qarax dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Hotel kuyaala magaalada Havana

Qarax weyn oo dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay hotelka caan ah ee Saratoga oo kuyaala magaalada Havana ee caasimadda dalka Cuba.

Warbaahinta dalkaasi ayaa baahisay in qaraxan loo maleenayo in uu ka dhashay booyad weyn oo siday gaas oo taagneyd banaanka hotelka, waxaana qaraxa uu saameyn xooggan ku yeeshay aaga uu ka dhacay.

Inta la xaqiijiyay qaraxan ka dhacay afaafka hore ee hotelka Saratoga waxaa ku dhintay dad gaaraya 22-qof halka ay ku dhaawacmeen 60-qof oo kale, waxaana laga cabsi qabaa in khasaaraha inta hada la ogyahay uu kasii bato.

Dadka qaraxa ku dhintay ayaa waxaa ku jira haween uur leh iyo caruur, waxaana dhisamayaasha qaraxa burburiyay hoostooda laga baadigoobayaa dad ku dhintay qaraxa iyo kuwa in ay nool yihiin loo maleenayo.

Booliiska magaalada Havana ayaa sheegay in ay baaritaan ku bilaabeen qaraxan waxa sababay iyo sidoo kale khasaaraha ka dhashay, qaraxan ayaana saameyn badan ku yeeshay magaalada Havana ee caasimadda dalka Cuba.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Al Shabaab oo Weerar culus ku qaaday saldhig ay leeyihiin Ciidamada Kenya 

Cabdi Cade

Qaraxyo iyo Rasaas wali laga maqlayo Hotelka Cas Casey iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Cabdi Cade

Bambo lagu tuuray Goob uu ku sugnaa Ra’isul Wasaare Fumio Kishida iyo Kala carar dhacay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---