Allbanaadir.com
NEWS

Guddiga doorashada Madaxweynaha oo la kulmay Taliyaasha Booliiska iyo Milatariga (Sawirro)

Guddiga isku dhafka ee qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay taliyaasha Ciidamada Booliiska iyo Milatariga dowladda Soomaaliya iyo saraakiil kale.
 
Kulankan dhax maray guddiga doorashada iyo taliyaasha ciidamada ayaa diirada lagu saaray xaqiijinta ammaanka goobta ay doorashada ka dhaceyso iyo sidoo kale amniga guud ee caasimadda inta doorashada socoto.
 
Guddiga doorashada ayaana taliyaasha ciidamada sidoo kale kala hadlay sidii ciidamada ammaanka ee waddooyinka jooga socodka ugu fududeyn lahaayeen Xildhibaanada labada Aqal ee kusii jeeda teendhada Afisiyooni.
 
Doorashadii Guddoonka gollaha shacabka ayaa ciidamada ammaanka waxa ay waddooyinka ka xirteen xildhibaanada gollaha shacabka ee kusii jeeday teendhada Afisiyooni, taas oo keentay in doorashada dib u dhacdo saacado aad u badan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madasha Xisbiyada Qaran oo goordhaw soo saartay War Saxaafadeed Xasaasi ah (Akhriso)

Cabdi Cade

“ Haddii ay Dowlada Naf Badbaadineyso anagaba Naf baan Badbaadineynaa !!

Cabdi Cade

Qoor-qoor oo ku laabtay Dhuusamareeb iyo Sababta ka dambeysa (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---