Allbanaadir.com
NEWS

RW Ku-xigeen shaqadiisa ku waayey aflaam anshax xumo ah oo Kombiyutarkiisa lagu arkay (Daawo Sawirro)

Waxaa shaqadii ra’iisul wasaare ku xigeenka laga eryay Damian Green oo ka mid ah xulafada ay isku dhaw yihiin ra’iisul wasaaraha Britain Theresa May ka dib markii lagu helay inuu ka tallaabay anshixii golaha wasiirrada.

Damian Green ayaa waxaa la waydiistay inuu is casilo ka dib markii lagu helay inuu been ka sheegay waxa uu ka ogyahay eedaymaha sheegaya in kombiyuutarka xafiiskiisa laga helay muuqaallo galmo ah oo anshax xumo ah sannadkii 2008dii.

Xeeldheerayaasha falanqeeya siyaasada Britain ayaa sheegaya in saaxiibkan ka baxay garabka May uu ra’iisul wasaaraha ka dhigay mid mid cidlo ciirsila taagan.

Green oo 61 jir ah oo ahaa ku-xigeenka ra’iisul-wasaaraha ayaa noqonaya qofkii saddexaad ee gollaha wasiirrada ka tirsan ee is casila muddo labo billood gudahood ah, Michael Fallon iyo Priti Patel ayaana is casilay bishii Nofembar.

May oo war qoraal ah ka soo saartay arrintan ayaa sheegtay inay aad uga xumaatay xafiiska uu banneeyay Green balse waxay intaas ku sii dartay in ficilkiisu uu ka hoos maray hab dhaqankii laga filayay golaha wasiirrada.

Wuxuu sidoo kale diiday inuu ku soo dajistay ama ku daawaday muuqaallo galmo ah kombiyuutar laga qaaday xafiiskiisa 2008dii.

Warbixin rasmi ah oo golaha wasiirrada ka soo baxay ayaa lagu sheegay in xogtii uu dadka la wadaagay ay ahayd mid aan xaqiiqo ahayn uuna jabiyay anshixii gollaha wasiirrada taasoo ugu dambeyn xilkiisa u baas baxday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Alberto Vecchi oo Socod lagu geeyay xarunta Kaasa Italia iyo Darjiinka Arbaca Rukun (Sawirro)

Cabdi Cade

Dilka Gudoomiyihii Degmada Hodan oo lagu tilmaamay in uu ahaa mid kas ah

Cabdi Cade

Gudoomiyihii Gobolka Nugaal oo u geeriyooday dhaawacii ka soo gaaray qaraxii caawa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---