Allbanaadir.com
NEWS

Sarkaal Kenyan ah oo nolosha lagu watay ka dib weerar ka dhacay meel ku dhow xadka Somalia

Taliyaha Booliska magaalada Gaarisa David Kerina ayaa sheegay inay la’ yihiin sarkaal ka tirsanaa ciidankooda ka dib markii ay dagaalamayaal Al-shabaab ka tirsan habeen hore weerar ku qaadeen Bar kontrol oo Booliska Kenya ku leeyihiin Tuulladda Hamey oo ku dhow xuduudka Kenya iyo Somalia.

Al-shabaab ayuu sheegay iney horey u kaxeysteen Sarkaalkaasi, kadib, markii uu dhacay weerarkaasi oo uu xusay in afar Askari lagu dhaawacay.

David Kerina ayaa tilmaamay inay socdaan Hawlgalo lagu baadi-goobayo Sarkaalkaasi oo la rumeysan yahay inay Al-shabaab u soo talaabiyeen gudaha Somalia.

qiyaastii 20 dagaalyahan oo aad u hubeysan ayaa la sheegay inay dhowr jiho ka weerareen Xeradda Booliska Kenya ku leeyihiin duleedka Gaarisa, waxayna Alshabaab burburiyeen Taawarka Shirkadda Isgaarsiinta ee Safaricom oo ku yaalla meel aan ka fogeyn Xeradda Booliska.

Al-Shabaab ayaan illaa hadda ka hadlin sarkaalka Kenyan ah ee la sheegay iney ku soo qabsadeen weerarkii ay habeen hore ka fuliyeen gudaha Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Mustafe: “Labo ujeedo ayey argagaxisadu u soo weerartay degaanka”

Caydiid Ali

Dowlad Weyn oo Haweenka Muslimiinta ku qasbaysa in aysan ilmo dhalin

Cabdi Cade

Itoobiya oo Codsi Farxad galinaya Dowlada Eritrea u dirtay Qaramada Midoobay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---