Allbanaadir.com
NEWS

Siyaasiga C/qaadir Jaahweyn oo ku dhawaaqay inuu u sharaxan yahay Madaxweynaha Somalia

Wasiirkii hore ee Warfaafinta , Boostadda & Isgaarsiinta Soomaaliya Mudane C/qaadir Xussen Maxamed “Jaahweyn) ayaa maanta ku dhawaaqay in uu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
 
Mudane C/qaadir Xussen Maxamed (Jaahweyn) oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in uu u taagan yahay qabashada xilka ugu sareeya dalka ee Madaxweynaha, uuna diyaar u yahay in kursigaasi u tartamo.
 
Musharaxn kusoo biiray siyaasiyiinta loolanka adag ugu jira doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kamid noqonaya rugcadayaasha doonaya in talada dalka Hoggaamiyaan, waxa uuna saaxiibo badan ku leeyahay Xildhibaanada labada aqal ee wax dooranaya.

Related posts

(Sawirro) Jubbaland oo tababar u soo xirtay ciidamo Kumandos ah oo ilaalin doona..

Caydiid Ali

Canada oo shaacisay iney qaadaneyso Qaxooti Soomaali ah oo laga diiday dal kale

Caydiid Ali

Maxay Cali Guudlaawe & Dabageed habeenkii labaad ugu hoydeen Maxaas? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---