Allbanaadir.com
NEWS

Al-Shabaab oo weerartay saldhig kale oo ciidamada ATMIS ku leeyihiin Sh/dhexe

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa tiro madaafiic ah ku weeraray saldhig ciidamada ATMIS ku leeyihiin degaanka Miir-taqwo oo u dhow degaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/dhexe.

Goob joogayaal ayaa sheegay inay madaafiic dhowr ah ku soo dhaceen degaanka, hase yeeshee aysan ogaan karin khasaaraha ka dhashay.

Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ayay wararku sheegayaan iney dhankooda Madaafiic kale ku jawaaben, kuwaasoo ay la beegsadeen duleedka degaanka Ceel-baraf oo ay tuhunsanaayeen in laga soo duqeeyey.

Khasaaraha ka dhashay madaafiicda labada dhinac isweydaarsadeen weli ma cadda, hase ahaatee weerarkan ayaa ku soo aaday xilli maalmo ka hor ay Al-Shabaab weerar qaraxyo ku bilowday ku qaadeen Saldhiga Ciidamada ATMIS ee degaanka Ceelbaraf, kaasoo geystay dhimasho iyo dhaawac oo gaaray ciidamo ka socday Burundi.

 

Related posts

Ciyaaryahan Muslim ah oo dacwad sumcad dil ah ka gudbiyay Wariye caan ah

Cabdi Cade

Musuq maasuq ka dhacay Wasaaradda Caafimaadka DF? (Dhac aan qarsoonayn)

admin

Al-Shabaab oo soo bandhigtay sawirada Weerarkii Ceel saliini & hub u gacan galay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---