Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Muxuu Shiikh Adan Madoobe u sheegay Guddiga doorashada Madaxweynaha?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka  Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliyaan Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Aqalka Sare mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Guddoomiye ku Xigeenka 2-aad ee Golaha shacabka mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa maanta gelinkii dambe kulan la qaatay Gudigga Isku-dhafka ah ee Qabanqaabada Doorashada madaxweynaha.

Guddoomiyaha ayaa marka hore ugu hambalyeeyay gudigga maanta hoggaanka ay iska dhex doorteen, waxaana uu ku dhiira geliyay in si sax ah loo dhaqan geliyo jadwalka doorashada.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen guddoomiyaha la dootay ee Gudigga Isku-dhafka ah ee Qabanqaabada Doorashada madaxweynaha mudane Senator Cabdiqani Geelle Maxamed iyo ku-xigeenkiisa Xil. Maxamed Keerow Maxamed.

Muhiimadda kulanka ayaa diiradda lagu saaraayay jadwaleynta iyo qabashada dooraashada madaxweynaha oo ku dhacda jawi nabdoon, hufan oo lagu wada qanacsan yahay.

Madaxda waxa ay si gaar ah uga hadleen amniga doorashada, waxayna hoosta ka xariiqeen in xil gaar ah la iska saaro adkeyta amniga doorashada.

Xubnaha Guddiga isku dhafka ah ee qabanqaabada Doorashada Madaxwaynaha JFS ayaa maanta iska dhex doortay Gudoomiye iyo ku xigeen, iyagoo ka dibna soo saaray jadwalka doorashada Madaxweynaha Somalia.

Related posts

Shirarkii ka dhici jiray Nairobi oo loo weeciyay Adisababa iyo Dowlada Kenya oo si adag uga jawaabtay eedeyn loo jeediyay !!

admin

Dowladda oo Ciidamo badan geesay Suuqa Bakaaraha amar cusubna siisay Ganacsatada

Cabdi Cade

Al Shabaab oo Weerar kale ku qaaday saldhig ay leeyihiin Ciidamada Milatariga Kenya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---