XEER KUSIME MADAXWEYNE Lr 98, May 5, 2022
Magacaabid Xubno Golaha Xukuumada Dowladda Puntland
Madaxweyne Ku-xigeenka ahna Kusimaha Madaxweynaha Dawladda Puntland
MARKUU ARKAY: – Dastuurka Dawladda Puntland Qodobkiisa 81-aad.
MARKUU ARKAY: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadoodo shaqo.
MARKUU TIXGLIYEEY: Shaqada Baaxada weyn leh ee Shacabka Puntland Ka sugayaan Xukuumada.
WUXUU XEERIYEY:
MAGACAABID
- Waxaa Cabdiqani Xaashi Cali Ciise (Bumbo) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta Dowladda Puntland
- Waxaa Axmed Xaaji Ibraahim Cartan (Bakiin) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland
- Waxaa C/risaaq Mire Xassan (Gaawiido) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Dowladda Puntland.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu saxiixo kusimaha Madaxweynuhu wuuna saxiixay.
Axmed Cilmi Cismaan (A. Karaash)
K/S Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-Xigeenka Dawladda Puntland