Allbanaadir.com
NEWS

Midowga Afrika oo ka hadlay Weerarkii Al Shabaab ku laayeen askar katirsan Ciidamada ATMIS

Midowga Afrika ayaa si kulul u cambaareeyay weerar dagaalyahano katirsan Al Shabaab shalay subax ku qaadeen saldhig ciidamada ATMIS ku leeyihiin deegaanka Ceel-Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Qoraal uu soo saaray Gudoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayuu ku cambaareeyay weerarka Al Shabaab ku dileen askarta katirsan ciidamada ATMIS gaar ahaan kuwa kasoo jeeda dalka Burundi.

Gudoomiyaha Midowga Afrika oo telfoon kula hadlay Madaxweynaha dalka Burundi ayaa uga tacsiyadeeyay askarta looga dilay gudaha Soomaaliya, isagoona caafimada degdeg ah u rajeeyay askarta dhaawaca ah.

Al Shabaab ayaa sheegtay in weerarkii shalay ku qaadeen saldhiga ciidamada ATMIS ee kuyaala deegaanka Ceel-Baraf ku dileen 173-askari oo u dhashay dalka Burundi sidoo kale nolosha ku qabteen qaar kamid ah askarta la weeraray.

Midowga Afrika iyo taliska ciidamada ATMIS ayaan wali si rasmi ah u shaacin inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay weerarkii Al Shabaab ku qaadeen saldhiga ciidamada ATMIS ee kuyaalay deegaanka Ceel-Baraf.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Musharax amaanay Taliyaasha Milatariga iyo Booliiska Eedeyna u jeediyay Taliyaha NISA

Cabdi Cade

DF oo soo bandhigtay sawirada rag ka tirsan Al-shabaab & lacag la dul dhigay (Sawirro)

Caydiid Ali

Lix ka mid ah dalalka Afrika oo weli aan laga helin cudurka Coronavirus

Caydiid Ali
Taboola Ads ---