Allbanaadir.com
NEWS

Musharax Baarlaman iyo dad kale oo lagu laayey qarax ka dhacay Peshawar (Daawo Sawirro)

Qarax lagaga shakiyey inuu yahay mid ismiidaamineed ayaa xalay ka dhacay goob dad doorashooyinka u ololeynayaa ay iskugu soo baxeen.

Qaraxan oo ka dhacay woqooyi galbeed dalka Pakistan ayaa dilay ugu yaraan 14 qof oo uu ku jiro murashax baarlamaanka gobolka ah. Qaraxa ayaa sidoo kale dhaawacay 45 kale.

Bambada ayaa ku qaraxday bartamaha magaalada Peshawar oo ah xarunta gobolka Khyber Pakhtunkhaw, markaasoo Haroon Bilour oo ah sarkaalka la dilay uu u sii socday goobtii uu kula hadli lahaa taageerayaashiisa xisbiga calmaaniga ah ee Awami National Party oo loo soo gaabiyo ANP.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, kaas oo yimid labo toddobaad ka hor xiliga dalkaas Pakistan uu qabsan doono doorashooyinka qaran iyo kuwa baarlamaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne hore oo Dagaalka Laascaanood ku sifeeyay Dambiyo ka dhan ah…

Cabdi Cade

Wakiil ka socday Fahad Yaasiin oo la sheegay in uu fashiliyay Shirkii Xukuumada iyo Musharaxiinta

Cabdi Cade

Muxuu salka ku hayaa Shirka Sadex Geesoodka ee Asmara? (Wax badan ka Ogow)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---