Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Deni oo qodob muhiim ah kala hadlay danjire Tina Intelmann (Sawirro)

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoygiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya marwo Tina Intelmann.

Kulanka Madaxweynaha iyo Wakiilka Midowga Yurub ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan arrimaha Doorashada.

Dhinacyada ayaa isku raacay in hoggaanka Soomaalida ay ka shaqeeyaan sidii dalka ugu dhici laheyd doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa wakiilada Beesha Caalamka waxaa ay wadeen dadaalo ku aadan sidii deg deg lagu qaban lahaa doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, iyagoona kulamo gooni gooni ah la qaadanayay hoggaamiyeyaasha Soomaalida.

Related posts

Wasiiradii ugu horeeyey ee Xukuumada cusub oo xilka la wareegay (Sawirro)

Caydiid Ali

(Akhriso) Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadaha Somalia oo u digtay Shirkadaha dayuuradaha

Caydiid Ali

Madaxweyne Biden oo muddo dheer kaddib aqbalay la kulanka Benjamin Netanyahu

Cabdi Cade
Taboola Ads ---