Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa ka carrooday shir uu dhawwaan la yeeshay taliyaal iyo saraakiil booliis oo laga baahin waayay Warbaahinta Qaranka gaar ahaan SNTV.
Sida aan wararka ku helnay taliye Xijaar oo si weyn uga carrooday in warkiisa aan laga sii deyn warbaahinta Qaranka ayaa qaaday tallaabo uu ku amray in warqad loo qoro maamulka Tv-ga si wax looga weediiyo sababta warkiisa ku diideen.
Ciidamo katirsan hay’adda dambi baarista ee CID-da ayaa maanta salaada ciida kaddib tagay xarunta Wasaaradda Warfaafinta iyo oo watay warqado loogu yeerayay agaasimaha iyo Tifatiraha TV-ga Qaranka.
Wararka aan helnay ayaa sheegay in xarunta CID-da la geeyay Maxamed Abuukar Axmed oo katirsan agaasinka TV-ga Qaranka iyo Cabdullaahi Amiin Maxamuud oo isna ah tifatiraha Tv-ga, kuwaa oo la weediiyay sababta aysan u baahin warkii taliye Xijaar.