Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Rooble “Waxaa suuragal ii aheyd inaan Madaxweyne isku sharaxo, balse..”

Raisul Wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabada Ciidul-fitriga, isagoo dhinaca kale ka hadlay mustaqbalkiisa Siyaasadeed.

“Waxaan Shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Ummadda Islaamka ugu hambalyeynayaa munaasabadda Ciidda Barakeysan ee Ciidul Fidriga, Waxaa mahad oo dhami u sugnaatay Allaha weyn oo  si nabad iyo caafimaad leh noogu dhammeeeyay bishii Barakeysneyd ee Ramadadan. Allaha naga aqbalo soonkii iyo acmaashi wanaagsanayd ee aan la nimid ” ayuu yiri Rooble.

.Rooble ayaa ka codsaday shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan ILAAHAY wax siyey iney u naxariistaan walaalahood danyarta ah.

“Ciiddu waa munaasabad farxadeed, sidaas darteed waxaan ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka Eebbe wax siiyay in la caawiyo dadka danyarta ah, lagana farxiyo iyaga iyo qoysaskooda si ay u dareemaan farxadda Ciidda” ayuu intaas ku daray Rooble

Waxaa uu xusay in Munaasabadda Ciiddul Fidriga ay sanadkan ku soo aadday iyadoo uu xaalku aad uga duwan yahay sidii uu ahaa sanadkii hore xilligan oo kale, markaasoo uu sheegay inay dalka ka jirtay xaalad amni yo siyaasadeed oo aad u kacsan taas oo la xiriirtay doorashada dalka iyo heshiis la’aanta siyaasadeed ee ka taagneyd.

“Alla mahaddii sanadkan waxa aan farxadda Ciidda u dabbaal dageynaa, iyadoo howlihii doorashadu  soo gaareen heer gebogebo ah, ka dib dadaal iyo shaqo badan aan galinnay sidii dalka doorasho uga dhici lahayd” ayuu yiri Rooble oo intaa ku daray iney ka soo gudbeen caqabado waaweyn oo loo dhigay in lagu carqaldeeyo doorashada.

Waxaa alle mahadiis ah inuu igu guuleeyey go’aankaygi ahaa inaanan doorashada iyo xilka umaddu i saartay aanan ka dhex raadin dano shaqsi ah iyo kuwo siyaasadeed. waxaa suuragal ii aheyd inaan isku sharaxo Madaxweyne ama doorashado u maamulo si u adeegeysa damaceyga laakiin waxaan goostay inaan dib u dhigto hankayga siyaasiga ahaa, taas macnaheeda inaanan laheyn han siyaasadeed balse waxaan gartay inaan fursad siiyo danaha Qaranka” ayuu yiri Rooble.

.

 

Related posts

Ciidamada Liyu Boolis iyo dagaalyahanada Al-shabaab oo Madaafiic isweydaarsaday

Caydiid Ali

NISA oo dekedda iyo garoonka Muqdisho ku qabatay saanad ciidan oo ku socotay Al-shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiir Goodax oo shaqadii ka eryey Iimaan C/llaahi, eedeymo culusna u jeediyey (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---