Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Talyaaniga oo soo faragalisay Khilaaf ka taagan Safaaradda Soomaaliya ee Roma

Safaarada dowladda Soomaaliya ku leedahay magaalada Roma ee caasimadda dalka Talyaaniga ayaa waxaa ka taagan khilaaf xooggan oo u dhaxeeya safiirkii hore ee Soomaaliya halkaasi u joogay iyo safiir ku sime ah oo dhawwaan loo magacaabay.

Sida aan wararka ku helnay safiirkii hore ee Soomaaliya u joogay Talyaaniga Maxamed Cabdiraxmaan Sheekh  ayaa diiday in uu xilka ku wareejiyo Axmed Cabdiraxmaan Sheekh Nuur oo Wasaaradda arrimaha dibadda u magacawday ku sime safiir.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa qoraal ay u dirtay wasaaradda arrimaha dibadda Talyaaniga ku wargalisay in waqtigiisa shaqada soo dhammaatay safiirkii hore ee u joogay Roma, waxa ayna ku wargalisay in ku sime safiir soo magacawday.

Safiirkii hore ayaa sheegay in aan si rasmi ah loo soo ogeysiin safiirka lagu bedelay oo uu sheegay inuu si lama filaan ah ku yimid caasimadda Talyaaniga, sidoo kale wuxuu sheegay in ay tahay wax aan caadi aheyn in xilka laga qaado iyadoo aan dowlad cusub imaanin.

Dacwad oogayaasha dalka Talyaaniga ayaa soo farageliyey khilaafka, waxayna sheegeen inay baarayaan khilaafka u dhaxeeyo mas’uuliyiinta Soomaalida oo ku saabsan ciddii gacanta ku heyn laheyd safaaradda.

Dowladda Talyaaniga ayaa ku jahwareertay dacwado kasoo gaaray labada dhinac ee isku haya safaarada, waxa ayna dowladda u xilsaartay dacwad oogaha dalkaasi si baaritaan ugu sameeyo khilaafka ka taagan safaaradda.

Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa isaga oo ka faa’iideesanaya xilligan kala guurkay magacaabay safiiro cusub iyo howlwadeeno kale oo safaaradeed taas oo safaaradaha qaar ka dhalisay khilaaf iyo shaqo joojin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Masuul katirsan Dowlada Somalia oo xabsiga la dhigay iyo Sababta ka dambeysa

Cabdi Cade

Farmaajo oo caawa ka qeyb galaya xiritaanka Shirka dib u heshiisiinta Galmudug (Sawirro)

Caydiid Ali

Kumaandoska Danab oo 17 dagaalyahan ka dilay Duleedka degmada Bu’aale (Sawirro)

Caydiid Ali