Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo fariin u diray madaxda dowladda Itoobiya iyo Kooxda TPLF ee dagaalka wada

Dowladda Mareykanka ayaa dooneysa in colaada ka aloosan dalka Itoobiya gaar ahaan gobolka Tigrey iyo gobolada ku dhaw dhaw lagu xaliyo wadahadal iyo isu tanaasul badalkii dagaal wax lagu raadin lahaa.

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaana ugu baaqday dhinacyada isku haya colaada dalka Itoobiya in ay isugu yimaadaan wadahadal ayna gaaraan xabad joojin si loo soo celiyo adeegyadii muhiimka ahaa ee ka jiray gobolka Tigrey.

“Waxaan hadda ku boorineynaa dhinacyada inay ka faa’iideystaan fursadda lagu hormariyo wadahadallada xabbad-joojinta oo ay ku jiraan amniga iyo soo celinta adeegyada muhiimka ah ee gobolka Tigray si deg deg ah,” ayuu Blinken ku yiri hadal uu soo saaray.

Ciidamada daacada u ah kooxda TPLF ayaa wali ku sugan deegaano katirsan gobolka Canfarta, waxaana kooxdaasi horey u ballan qaaday in ay ka baxeyso deegaanada ay ka joogto gobolka dariska la ah.

Colaada ka aloosan dalka Itoobiya ayaa galaaftay nolosha kumanaan qof , waxaa sidoo kale ku barakacay dad aad u badan, waxaana wali adag in dowladda iyo kooxda TPLF khilaafkooda siyaasadeed si fudud ku dhameeyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda oo ka murugooday xaalada ka taagan Qabuuraha Iskool Buluusiya

Cabdi Cade

Milateriga Israel oo saacado gudahood ku dhowaad boqol shacab ah ku dilay Gaza

Caydiid Ali

Milateriga afgembiga ku qabsaday talada Niger oo xili kama dambeys ah loo qabtay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---