Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Faransiiska oo mar kale qaaday tallaabo kasii careesiineysa dowladda Ruushka

Dowladda Faransiiska ayaa kamid ah dowladaha Yurub ee sida weyn uga soo horjeestay duullaanka Ruushka ku qaaday dalka Ukraine, waxa ayna Faransiiska taageero u fidiyeen ciidamada Difaacada Ukraine.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo wadahadal la yeeshay Madaxweynaha dalka Ukraine, ayaa u ballan qaaday taageero hor leh oo dhinaca milatariga si ay isaga difaacaan gardarada ciidamada Ruushka.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha dalka Faransiiska in aan loo dulqaadan karin gardarada ciidamada Ruushka iyo duqeymaha aan loo meel dayin ay ku hayaan magaalooyin dhoor ah oo kuyaalla dalka Ukraine.

Madaxtooyada Faransiiska ayaa sidoo kale sheegtay in Ukraine u fidineyso gargaar gaarayo “in ka badan 615 tan oo qalab ah, oo ay ku jiraan qalabka caafimaadka, matoorada isbitaallada, gargaarka cuntada, gargaarka hoyga iyo baabuurta gurmadka”

Dowladda Ruushka ayaa mar kale ka carrootay taageerada dhinaca milatariga ee Faransiiska u fidinayo Ukraine, waxa ayna Ruushka horey ugu goodiyeen waddamada dhinaca milatariga ka taageeraya dowlada Ukraine.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Qarax Khasaaro geestay oo caawa ka dhacay Baydhabo iyo faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Madaale oo deg deg ku tagay Dhuusomareeb kaddib markii uu u yeeray Madaxweyne Xasan

Cabdi Cade

Wasiirka Amniga DF oo aqbalay dalab xasaasi ah oo kaga yimid qoyska Ikraan Tahliil

Caydiid Ali
Taboola Ads ---