Milateriga Ruushka ayaa sheegtay in ay duqeeyeen ku dhawaad 400 oo bartilmaameed oo ay leeyihiin cadowgooga Ukraine
Ruushkana wuxuuna sheegay duqeymaha uu ku hayo fariisimaha militariga Ukraine inuu sii wado ilaa uu libin ka gaaro duullaanka uu Ukraine ku qaaday.
Barasaabka gobolka Luhansk ee ku yaalla bariga Ukraine wuxuu sheegay inaan la iisu dhiibin duqeymaha Ruushka uu ka wado gobolkaasi, aysan u suurtagelin in ay jebiyaan goobaha difaaca ee Ukraine.
Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka, Sergey Lavrov, ayaa todobaadkan sheegay in khatarta iska horimaadka Nukliyeerka ay tahay “mid la taaban karo” wuxuuna ku andacooday in gaashanbuurta NATO ay ku jirto dagaal wakiilnimo oo ay Ukraine garab ku siinayaan.