Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DEG DEG: Boqortooyada Saudia Arabia oo go’aan ka soo saartay bisha Shawwal

Wasaarada diinta iyo awqaafta Sacuudiga ayaa shaacisay in bishii Shawwal ee caawa la filayey iney bilato lagu guuleysan waayey in la arko ka dib dedaal badan oo lagu bixiyey raadinteeda.

Sacuudiga ayaa sheegay in berri oo Axad ah la dhameystirayo 30-ka bisha Ramadaan, isla markaana maalinta koowaad ee ciidulfitriga ay noqon doonto Isniinta ah 2-da bisha May.

Sidoo kale inta badan dalalka khaliijka sida  Imaaraadka, Qatar, Kuwait iyo Oman ayaa iyana ku raacay sacuudiga in beri la buuxiyo 30ka Ramadaan, isniintana ay noqoto Ciida.

War ay maanta soo saartay Xarunta Caalamiga ah ee Xiddigiska Dubai ayaa waxay ku sheegtay in dalalka Soonka bilaabay Sabtidii aysan macquul aheyn inay arkaan Bisha Shawwal, sababo la xiriira Dayaxa oo dhacayo qorraxda ka hor.

Weli ma jirto dal ka tirsan caalamka islaamka oo shaaciyey iney arkeen Bisha shawwal, sidoo kale Soomaaliya ayaan illaa hadda la shaacin meel laga arkay bisha Soonfureed.

Related posts

Bangiga Somaliland iyo Milkiilaha World Remit oo isku dhegan iyo Xogta waxa ay isku hayaan

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo Imaaraadka kaga qeyb galay shir looga hadlay amniga Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Maxaa kasoo kordhay Weerarka Al Shabaab ku qaadeen Hotel kuyaala Nairobi ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---