Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaanada Gedo lagu soo doortay oo Jahwareer ku haya Shaqada Baarlamaanka iyo Guddoonka oo…

Waxaa maanta kulankiii xildhibaanada gollaha shacabka khalalaase ka abuuray xubno sheegtay in ay xildhibaano yihiin, kuwaa oo siyaabo kala duwan loogu soo doortay magaalooyinka Ceel-Waaq iyo Garbahaarey.

Xildhibaanada Ceel-Waaq lagu soo doortay waxaa aqoonsan oo shahaadada Xildhibaanimo siiyay guddiyada doorashada heer federaal iyo heer dowlad goboleed, halka xildhibaanada Garbahaarey lagu doortay oon la aqoonsan taageero ka heestaa Viila Soomaaliya iyo NISA.

Kulankii maanta xildhibaanada gollaha shacabka ku yeesheen xarunta Villa Hargeysa waxaa kasoo qeyb galay oo xarunta galay xildhibaanada labada garab ee lagu soo kala doortay Ceel-Waaq iyo Gabharaaey.

Guddoonka gollaha shacabka ayaa markii dambe ogolaaday in xildhibaanada labada dhinac iska fadhigaan kulanka intii uu foodo u baaqan lahaa kulanka, waxa uuna guddoomiyaha gollaha shacabka sheegay in go’aan arrintan kasoo saari doonaan.

Qaar kamid ah xildhibaanada gollaha shacabka ayaa sheegay in aysan xarunta Villa Hargeysa amaan aheyn lana soo galiyay dad kaarar been abuur ah wata, waxa ayna ku baaqeen in dadkaasi tallaabo laga qaado lana baaro cida kaararka usoo sameesay.

Guddoonka cusub ee gollaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka ayaa waxaa horyaala shaqo adag oo ah go’aan ka gaarista xildhibaanada labada dhinanc, waxaana guddoonka la filayaa in uu ansixiyo xildhibaanada Ceel-Waaq lagu soo doortay sida xogaha sheegayaan.

Doorashada guddoonka gollaha shacabka ayaa loo diiday in ay cod ku yeeshaan xildhibaanadii Ceel-Waaq lagu soo doortay kaddib markii laga cabsaday in doorashada foodeeyaan Xildhibaanada taageersan Villa Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Qatar oo loo soo bandhigay Fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya

Cabdi Cade

Sarkaal ka tirsan ciidanka dowlada oo lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Nin dilay 42 haween oo xaaskiisa ku jirto oo la qabtay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---