Allbanaadir.com
NEWS

Masuul lagu dilay magaalada Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa degmada Yaqshiid ee gobolka Banaadir waxa ay ku dileen masuul katirsanaa maamulka degmada Yaqshiid ,waxaana dilka kadib baxsaday kooxdii fulisay howlgalka dilka ah.

Sida aan wararka ku helnay masuulka la dilay ayaa ahaa Cismaan Maxamuud Cabdi oo ahaa Guddoomiyaha laanta Dalxiis ee degmadaasi Yaaqshid, waxa uu sidoo kale ninkan kamid ahaa ciidanka milatariga Soomaaliya.

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya ayaa gaaray goobta lagu dilay masuulkan katirsanaa maamulka Yaqshiid, ciidamada booliiska ayaana ku guul dareestay in ay soo qabtaan kooxdii dilkaasi fulisay.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka dhacayay falal dil ah oo loo geestay dad shacab ah iyo kuwa dowlada katirsan, amniga Muqdisho ayaana muddooyinkan dambe u muuqday mid faraha kasii baxayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Dowlada India oo ka carootay talaabo ay qaaday Xildhibaanad Ilhan Cumar (Sawirro)

Caydiid Ali

Midowga Musharaxiinta oo War kasoo saaray Shirkii Muqdisho Baaqna u diray Rooble

Cabdi Cade

Xabsi cusub oo loogu tala galay in lagu xiri haweenka oo xarigga laga jaray (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---