Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaanada Gollaha Shacabka oo beri kulmaya iyo Ajandaha kulanka oo la shaaciyay

Xildhibaanada gollaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in beri xaruntooda KMG ee Villa Hargeysa ku yeeshaan kulankii ugu horeeyay ay isugu imaanayaan iyaga oo doortay guddoonkooda rasmiga ah.

Kulanka xildhibaanada gollaha shacabka yeelanayaan beri ayaa ajandahooda lagu sheegay hadal jeedinta guddoomiyihii KMG ee gollaha shacabka oo beri xilka wareejinaya iyo sidoo kale hadal jeydinta guddoomiyaha cusub ee gollaha shacabka.

Xildhibaanada gollaha shacabka ayaana lagu wadaa in beri tagaan xarunta Villa Hargeysa iyaga oo leh guddoon rasmi ah ay doorteen, waxaana beri shir guddoonka gollaha la wareegi doona guddoomiyaha cusub ee gollaha shacabka.

Guddoonka cusub ee gollaha shacabka ayaa la filayaa in dardar galiyaan shaqadooda maalmaha ugu horeeya, waxaana lagu wadaa in guddoonka magacaabaan guddi doorasho oo qaban qaabiya doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

(Daawo Sawirro) Imaaraadka oo dayuurado gargaar sida ka dejiyey Magaalada Hargeysa

Caydiid Ali

Ciyaartii finalka ee Xulalka da’yarta Somalia & Tanzania oo goor dhow dhamaatay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Puntland oo xabsi ku gurtay shacab soo dhoweyn rabay Wasiir ka tirsan Xukuumada Rooble

Caydiid Ali
Taboola Ads ---