Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Erdogan oo booqasho taariikhi ah ku tagay Sacuudiga (Sawirro)

Madaxweynaha dalka Turkiga Tayyip Erdogan ayaa ku tagay dalka Sacuudiga booqashadii ugu horeysay ee heer sare ah muddo sanado ah, taasoo uu rajaynayo inuu bog cusub u furo xiriirka xumaaday ee labada dal

Erdogan ayaa Boqor Salmaan kula kulmay xaflad rasmi ah oo ka dhacday qasriga al-Salam ee magaalada Jeddah, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay madaxtooyada Turkiga.

Dhaxal sugaha Boqortooyada, Mohammed bin Salman, oo ah hogaamiyaha dhabta ah ee Boqortooyada, ayaa ka qeyb galay xaflada ka hor inta uusan kulan fool ka fool ah la yeelan Erdogan.

Booqashada Erdogan oo xafiskiisu ku sheegay casumaad uu ka helay boqorka sacuudiga ayaa waxa ay ka dhigan tahay soo afjarida dadaalo uu ku doonayay in lagu soo hagaajiyo cilaaqaadkalabada dal taasoo ay qeyb ka tahay in la laalo dacwadii ku saabsan dilkii saxafiga sacuudiga ee Jamal Khashoggi oo sanadkii 2018 lagu dilay Istanbul.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in Sacuudiga uu ka caawin karo Turkiga inuu yareeyo dhaqaala xumida haysata, oo ay ku jiraan sicir bararka sii kordhaya, ka hor doorashooyinka adag ee Erdogan ee sanadka soo socda.

Xiriirka laba geesoodka ah ayaa aad u xumaaday ka dib markii Khashoggi la dilay oo la jarjaray kaasoo ay dileen ciidamada Sacuudiga ee ku sugnaa qunsuliyada Boqortooyada ee Istanbul 2018. Waqtigaas, Erdogan wuxuu ku eedeeyay dowladda Sacuudiga inay bixiyaan amarkaas,.

Ankara waxa ay rajaynaysaa in booqashadu ay si buuxda u soo afjarto qaadacaada aan rasmiga ahayn ee Sucuudigu ku qaaday badeecadaha Turkiga, ee lagu soo rogay 2020 iyada oo ay jirto xiisadda Khashoggi.

Sarkaal sare oo ka tirsan Turkiga ayaa sheegay inuu jiro jawi aad u wanaagsan oo ka horreeya safarka, isagoo intaas ku daray: “Dhismihii aas-aasku waa diyaar si aan wadajir uga shaqeyno ganacsiga, maalgashiga iyo arrimaha gobolka.”

Booqashadan ayaa ku soo beegantay iyadoo Turkiga uu la daalaa dhacayo dhaqaale xumo ka dhalatay dagaalka u dhexeeya dalalka ay jaarka yihiin ee Badda Madow ee Ukraine iyo Ruushka.

Related posts

RW ku-xigeenka Somalia oo Sacuudiga kula kulmay Abdulrahman Bin Abdul-Mohsen (Sawirro)

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo soo bandhigtay Sawirada weerarkii ay ku qaadeen Bariire (Sawirro)

Caydiid Ali

Guri uu leeyahay Najib Razaq oo laga helay lacag dhan 28 malyan oo doolar

Cabdi Cade
Taboola Ads ---