Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Sarkaal ka soo goostay Al-Shabaab iyo hubkiisa oo la soo bandhigay (Sawirro)

Taliska Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed ayaa soo bandhigay sarkaal la sheegay inuu ka soo goostay Al-Shabaab kaasoo lagu magacaabo Ciise Cumar Deerow Isxaaq.

Sarkaalkan ayaa la sheegay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa Weeraradda, isagoo kooxda ka tirsanaa  muddo 8-sano ah sida uu sheegay.

“Waxaan amiir ama hogaamiye u ahaa koox Jabhad ah oo tira ahaan gaareysa 400” ayuu yiri Ciise Cumar Deerow Isxaaq.

Waxaa uu intaas ku daray inuu qeyb ka ahaa dagaalo dhowr ah oo ka dhacey Gobolada Jubbooyinka iyo Bay, Waxaana sidoo kale Hay’adda Nabadsugidda ay soo bandhigtey hub uu kala soo goostey Al-shabaab oo ay kamid yihiin 2-qori oo AK-47 & 1-BKM ah.

Related posts

Maraykanka oo duqeyn ku dilay Jen. Qassem Soleimani iyo ku-xigeenkiisii

Caydiid Ali

Cali Guudlaawe oo kulamo xasaasi ah ka wada Magaalada Baladweyne (Sawirro)

Caydiid Ali

Howlgal ay ka qeyb qaadanayaan ciidan Mareykan ah oo ka socda Sh/hoose

Caydiid Ali
Taboola Ads ---