Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegaya in Ruushka ay albaabka laga galo dekedda Sevastopol ee Crimea usoo direen labo Hoombaro oo ay cidamadda Badda Ruushka tababareen.
Hoombaro waa xaywaan badda ku nool oo loo adeegsado arrimo sirdoon kaasoo la siiyo tababar gaar ah
Sawirro ay qaadeen Dayax gacameeka ayaa muujinaya in Ruushka labadan Hoombaro u direen Badda madow bilawgii duulanka Ukraine si ay u ilaaliyaan.
Dhaqan ahaan, Hoombaradda waxaa tababari jiray ciidamada Mareykanka iyo kuwa Ruushka labadaba si ay uga caawiyaan hawlgallada biyaha hoostooda ah
Dhinaca kale, Baarlamaanka dalka Jarmalka ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyay mooshin lagu taageerayo in hub culus la siiyo dalka Ukraine. Tallaabadan ayaana imaanaysa laba maalmood uun ka dib markii ay dawladda dalkaasi ay xaqiijisay in Ukraine ay gayso taangiyada lidka diyaaradaha, taas oo muujinaysa isbeddel weyn oo ku yimi mawqifkeeda.
Mooshinka baarlamaanka oo ay taageerayaan isbaheysiga talada haya iyo xisbiga ugu weyn mucaaradka ayaa lagu wadaa in uu fududeeyo heshiisyada hubka ee mustaqbalka. Dadka dhaleeceeya ayaa ka cabsi qaba in tallaabadani ay horseedi karto in dagaalka uu sii xoogaysto