Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Akhriso) Beesha caalamka oo dalab cusub soo saartay ka dib doorashadii gudoonka BFS

Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka* waxay soo dhoweynayaan doorashooyinkii guusha kusoo idlaaday ee loogu tartamayey jagooyinka guddoonka Aqalka Sare ee 26kii Abriil 2022 iyo Golaha Shacabka ee 27-28 Abriil 2022. Waxaan u hambalyeynaynaa guddoomiyeyaasha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada dhowaan la doortay ee la wareegaya waajibaadkooda muhiimka ah xilligan xasaasiga ah ee Soomaaliya ay ku jirto.

Kadib dib-u-dhacyo iyo caqabado daba-dheeraaday oo ku yimid soo xulista xubnaha baarlamaanka ayaa waxaa guul weyn ah doorashada guddoonka baarlamaanka. Waxaan u mahad-celinaynaa dhammaan dadkii Soomaaliyeed ee gacanta ka geystay dhamaystirka doorashada baarlamaanka

Waxaan boorinaynaa in doorashada Madaxweynaha hadda lagusoo dhameeyo si dhakhso leh, nabdoon, oo lagu kalsoonaan karo, si madaxda Soomaaliya ee lasoo doortay ay wax uga qabtaan arrimaha mudnaanta u leh qaranka iyadoo la eegayo ay danta dhammaan muwaadiniinteed.

*Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Canada, Shiinaha, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Norway, Qadar, Ruushka, Sacuudiga, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Isutagga Imaaraadka Carabta, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

Related posts

Beesha Gugundhabe oo Shir ku yeelatay Muqdisho Baaqna soo saartay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

(Video) Al-Shabaab oo Muqdisho kula dagaalamay ciidamada dowladda & Wariye la xukumay

admin

Bilyaneer Carbeed oo iibsaday koox ka ciyaarta Horyaalka Ingiriiska

Cabdi Cade
Taboola Ads ---