Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Farmaajo iyo Rooble oo ka falceliyey doorashada Gudoomiye ku-xigeenada BFS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Guddoomiye Ku-xigeennada Cusub ee Golaha Shacabka.

“Waxaan hambalyo u dirayaa Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar  iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, waxaana Alle uga baryey inuu u fududeeyo mas’uuliyadda loo doortay” ayuu yiri Farmaajo.

Sidoo kale Raisul wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka falceliyey doorashada gudoomiye ku-xigeenada golaha shacabka.

Rooble ayaa qoraal uu soo saaray ku bilaabay sidatan:-

Waxaan u hambalyeynayaa Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka BJFS xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo caawa la doortay.

Waxaan Eebbe uga baryayaa in uu la garab galo mas’uuliyadda qaran ee culus ee loo doortay.

Maadaama Guddoomiye Sacdiyo tahay gabadhii ugu horreysay ee qaranka Soomaaliyeed u qabata xilkan sare ee muhiimka ah, sidaas darteed waxaan hambalyada la qeybsanayaa guud ahaan haweenka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan, anigoo guddoomiye ku-xigeenka iyo haweenka Soomaaliyeedba u rajeynaya horumar iyo guulo joogto ah.

Sidoo kale, Hambalyo ayaan leeyahay  xildhibaan Cabdullaahi Cumar Abshirow oo loo doortay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS. Waxaan Alle uga baryayaa in uu u fududeeyo mas’uuliyadda weyn ee loo igmaday.

Related posts

Qalab weyn oo dul sabeenayay biyaha dalka Turkiga oo la bur buriyay

Cabdi Cade

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu dilay Deegaanka Happy Valley iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Buriyay xeerar uu horey u meel mariyay Farmaajo Go’aan cusubna soo saaray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---