Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Haweeneydii u horeysay oo loo doortay Gudoomiye ku-xigeenka Golaha shacabka

Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa ku guuleysatay doorashada guddoomiye ku xigeenka baarlamanka 11aad ee Somalia ka dib markii ay ka adkaatay musharaxii la tartamayey Maxamed Cali Cumar (Caanonuug)

Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar Waxay ka soo jeedaa degaanada Puntland halka Maxamed Cali Cumar (Caanonuug) uu ka yimid Jubbaland, waxaana Sacdiyo ay noqotay haweeneydi ugu horeysay ee Gudoomiye kuxigeen ka noqota golaha shacabka.

Maxamed Cali Cumar (Caanonuug) ayaa helay 107 cod halka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo ka guuleysatay ay heshay 137 cod sida uu sheegay gudoonka golaha shacabka Baarlamanka Somalia

Xildhibaan Sacdiya waxey ka soo jeedaa Beesha Carab Saalax oo lagu tiriyo beelaha shanaad (.5).

 

Related posts

Ergay bedelaya James Swan oo loo soo Magacaabay xafiiska Q/Midoobay ee Somalia

Caydiid Ali

Jubbaland & Puntland oo mar kale ka hor yimid baaqii shalay ka soo baxay Villa Somalia

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo ciidamo badan iyo Saanad milateri ka duulisay Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---