Musharaxiintii ay dhiseysay Villa Somalia ayaa galabta mar kale guul daro kala caraabay doorashada gudoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha shacabka Baarlamanka Somalia ee ka socota teendhada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho.
Max’ed-weli Cabdalla Axmed iyo Khadiijo Maxamed Diiriye oo labadaba ay taageereysay Villa Somalia ayaa ka haray wareega ugu dambeeya ee doorashada.
Khadiijo ayaa heshay 21 cod, halka Max’ed-weli Cabdalla Axmed uu helay 59 cod, waxaana dad badan ka yaabiyey sida uu Maxed weli uga tanaasulay tartanka isagoo ahaa musharaxii ugu codadka badnaa wareega Koowaad.
Waxaa wareega ugu dambeeya u gudbay Maxamed Cali Cumar (Caanonuug) iyo Sacdiya Yaasiin Xaaji oo labaduba ka tirsan dhinaca mucaaaradka taasoo ka dhigan in kooxda Villa Somalia ay lumisay gudoomiye ku-xigeenka koowaad.
Labada gudoon ee aqalka sare iyo golaha shacabka ayaa waxa horey ugu kala guuleystay Cabdi Xaashi iyo iyo Shiikh Aadan Madoobe oo labada taabacsan mucaaradka.