Qaar kamid ah xildhibaanada gollaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa gaaray teenadhada Afisiyooni ee lagu wado in maanta ka dhacdo doorashada Guddoomiye kuxigeenka koobaad iyo kan labaad ee gollaha shacabka.
Guddiga qaban qaabada doorashada guddoonka gollaha shacabka ayaa Xildhibaanada ku ballamiyay teendhada Afisiyooni in ay soo gaaraan 11-ka subaxnimo, hasa ahaatee waxaa wali aad u yar tirada xildhibaanada gaaray teendhada.
Musharaxiin u taagan guddoomiye kuxigeenka koobaad ee gollaha shacabka iyo kan labaad ayaa ku sugan teendhada Afisiyooni waxaana la sugayaa xildhibaanada kale aan wali soo gaarin teendhada doorashada ka dhaceyso.
Waxaa loo badinayaa in doorashada guddoomiye kuxigeenada gollaha shacabka in ay gaarto ilaa caawa maadaama Xildhibaanada aad ugu daaleen shalay iyo xalay doorashadii guddoomiyaha gollaha shacabka oo saacado badan qaadatay.
Lama saadaalin karo cida ku guuleesan doonta guddoomiye kuxigeenada gollaha shacabka, waxaana taageero badan helaya oo olole xooggan wada musharaxiinta ka madax banaan Villa Soomaaliya lana safan musharaxiinta mucaaradka.
Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee goolaha shacabka waxa au sharxan
- Xil. Cabdikariin Abdow Xayder
- Xil. Cabdiraxmaan Cabduqaadi Cadde
- Xil. Khadiija Maxamed Diiriye
- Xil. Maxamed Cabdalla Axmed Maxamuud
- Xil. Maxamed Cali Cumar (Caanonuug)
- Xil. Maxamed Nuur Abuukar
- Xil. Maxamed Cumar Cimow
- Xil. Maxamuud Cabduqaadi Xaaji (Jeego)
- Xil. Sacdiya Yaasiin Xaaji (Samatar)
- Xil. Saciid Maxamed Maxamuud Xayd
Guddoomiye kuxigeenka labaad waxaa u sharaxan
- Xil. Cabdullaahi Cumar Abshir
- Xil. Axmed Aadan Axmed
- Xil. Asad Cabdirisaaq Maxamed
- Xil. Asyuub Ismaaciil Yuusuf
- Xil. Mahad Cabdalla Cawad
- Xil. Maxamuud Xuseen Abuukar (Gaaraxo)
- Xil. Saciid Maxamed Cali
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.comÂ