Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Doorashada Gudoomiye ku-xigeenada Golaha shacabka BFS oo dib loo dhigay

Gudoonka KMG ah ee Golaha shacabka baarlamanka Somalia ayaa shaaciyey in doorashada labada gudoomiye ku-xigeen dib loo dhigay ilaa beri barqadii.

“Waxaan Xildhibaanada sharafta leh ku wargelinaynaa in doorashada ku-xigeenada golaha shacabka aan caawa la qaban karin, maadaama lagu jiro bil Ramadaan, lana daalay, waxaana la qaban doonaa beri 11:00 barqanimo oo la doonayo iney xildhibaanada halkan iskugu yimaadaan” ayuu yiri Dhabancad oo soo xiray caawa kulanka.

Dhinaca kale, Gudoomiyaha cusub ee golaha shacabka baarlamanka Somalia Shiikh Aadan Madoobe ayaa isla caawa loo dhaariyey xilka loo doortay.

Waxaa socda hambalyo fara badan oo baraha bulshada loo marinayo Gudoomiyaha cusub ee golaha shacabka baarlamanka Somalia Shiikh Aadan Madoobe guusha uu ka gaaray doorashadii caawa.

 

Related posts

Madaxweyne Deni oo la kulmay Xildhibaan Ilhan Cumar oo maanta Garawe ka degtay (Sawirro)

Cabdi Cade

Qarax goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

(Sawirro) Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Saciid Deni & danjire Mr. Qin Jian

Caydiid Ali