Allbanaadir.com
NEWS

War cusub oo ka soo kordhay kiiska Soomaali gabar Australian ah ku dilay Maraykanka

Waalidka dhalay haweenay Australian u dhalatay oo ku baxday gacanta askari Maraykan ah oo asalkiisu Soomaali yahay ayaa sheegay in ay aad uga walaacsan yihiin in aanan baaritaan fiican lagu samaynin dilka gabadhooda.

Todobaadkii hore dacwad ooge Maraykanka ah ayaa sheegay in baarayaasha aysan si wanaagsan shaqadoodii u qabsanin, isagoo xusay in uusan haynin caddaymo ku filan oo uu dacwad ugu soo oogo Maxamed Nuur.

John Ruszczyk oo gabadha dhimatay aabaheed ah ayaa sheegay inay aad uga walaacsan yihiin suurtagalnimada in dambiga aanan si wanaagsan loo baarin. Waxa uu ku baaqay in baaritaanka lasii wado.

Maxamed Nuur ayaanan wali wax waraysi ah siinin baarayaasha dilka dhacay.

Ra’isul wasaaraha Australia Malcolm Turnbull ayaa ka hadlay dilka, kuna dilmaamay wax lala fajaco, waxaana horey dilkan dartiis isu casilay madixii booliiska Minneapolis Janee Harteau.

Justine Damond oo 40 jir ah ayaa waxaa dilay askari ka tirsan booliiska Maraykanka oo lagu magacaabo Maxamed Nuur bishii July, kadib markii ay iyadu u wacday booliiska, kana cabatay haweenay ay sheegtay in ay daarada gurigeeda ka qeylinaysay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Weerar Khasaare geystay oo caawa ka dhacay Boosaaso & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Ciidamada dowlada oo gaaray Ceelbuur iyo Al-Shabaab oo ka baxday

Caydiid Ali

Dowlada Iiran oo ku hanjabtay in Xirayso Gacanka Hormuz iyo Sababta keentay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---