Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddoomiye Dhabancad oo diiday talo loo jeediyey & Ismari waa ka taagan doorashada

Hoolka doorashada teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa weli ka taagan ismari waa ka dhashay in Xildhibanada lagu soo doortay Ceelwaaq laga qeyb geliyo doorashada gudoonka golaha shacabka iyo in kale.

Kutladda NISA iyo Xildhibaanada K/Galbeed ayaa wada qalalaase ay ku diidan yihiin Xildhibanadii laga soo doortay Ceelwaaq oo ku jira Gudaha Teendhada Afisyoone oo lagu dooranayo Guddoonka Golaha Shacabka BFS.

Guddoomiyaha KMG ee golaha shacabka Dhabancad ayaa markii 3aad ku gacan seyray in kulanka laga saaro Xildhibaanada Ceelwaaq

Isku dayadi ugu dambeeyey ee  lagu doonayay in Doorashada guddoonka golaha shacabka looga saaro 16-ka xubnood ee lagu soo doortay Ceelwaaq  ayaa natiijo la’aan ku dhamaaday

Isku deygaan oo ay wadeen xildhibaano sida muuqata is xilqaamay ayuu diiday Gudoomiyaha wuxuuna ku adkeystay iney codeynayaan

Waxaan la bilaabin weli doorashada doorashada waxaana jira walaac laga qabo fowdo hadii la guda galo codeynta xaaladuna waa mid cakiran.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA

 

Related posts

Madasha Xisbiyadda Qaran Ma Guul Siyaasadeedbaa Mise Silcin Shacbi ?

Cabdi Cade

Guddoomiye Mursal oo shir xasaasi ah isugu yeeray guddiyada joogtada ee golaha shacabka

Caydiid Ali

Dowlada federaalka oo beri shir Muhiim ah ka fureysa Kismaayo iyo Ujeedka Shirkaasi oo..

Cabdi Cade
Taboola Ads ---